Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada :Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay agagaarka Garoonka kubada cagta Eng Yariisow (Ex-Koonis) ee kuyaala degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku heleyno qaraxan miino ayaa lala eegtay gaariga gudoomiyaha degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir Muuse Geesey Jimcaale oo xiliga qaraxa lala beegsanayay kasoo baxay garoonka Eng Yariisow.

Gudomiyaha degmada Yaqshiid ayaa la sheegay in uu ka bad baaday qaraxan lala eegtay gaariga uu la socday, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in qaraxan ku dhintay nin bajaajle ah halka ruux kalana uu ku dhaawacmay.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu ka dhacay qaraxan miino, ciidamada ayaana baaritaano kadib isaga tagay goobtaasi iyagoona dad usoo qaban qaraxaasi miino.

Qaraxyada Miino ee la dhigo wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan kusoo kordhaya caasimada, waxaana qaraxyadan mararka qaar waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah oon waxbo galabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhinacyada isku haya Gedo oo ka hadlay dayuurad laga soo celiyey Garbahaarey

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo kormeeray ciidamada DF ee lagu tababarayo Eritreya (Sawirro)

Caydiid Ali

Howlwadeeno ka tirsan Hay’adda Socdaalka & Jinsiyaddaha oo la abaalmariyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---