Masuuliyiin iyo Xildhibaano ku baaqay in la difaaco Jen. Saadaq Joon

Xildhibaano iyo siyaasiyiin ku heyb ah Taliyihii Booliska G/Banaadir Jen. Saadaq Cumar (Saadaq Joon) ayaa soo saaray baaqyo ay ku dalabanayaan in la difaaco Saadaq Joon.

Arritan ayaa ka dambeysay markii caawa magaalada Muqdisho laga dareemay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Saadaq Joon oo ay wadaan ciidamada DF.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa farriin uu soo saaray ku yiri: “Farmaajo caawa wuxuu u diray Gen. Biixi oo ilmo adeer ay yihiin inuu weerar ku qaado Gen Saadaq Joon. Dagaal qabiilaysan weeye waxa caawa uu hurinayo Farmaajo. Waxaan ugu baaqayaa qaraabada in la iska difaaco Farmaajo iyo qowleysatada la socota. Saadaqna dhexdeena aysan kala bixin Farmaajo iyo ina adeerkiis Biixi”

Xildhibaan C/raxmaan Odowaa ayaa farriin uu soo diray ku baaqay in loo wada istaago difaaca Jeneraal Saadaq Joon. “Caawo weerarka Farmaajo iyo kooxdiisa ay ku qaadeen Shiirkole waa fal sharciga baal marsan oo lagu qab jabinayo reerka uu ka dhashay Generaal Sadaq oo la doonayo in dhaxdooda lagala soo baxo. Aniga oo ah Xildhibaanka Genraal Sadaq waxaa dhammaan ugu baaqayaa inta aan ku matalo kursiga iyo Soomaalida xaq darada neceba in loo wada istaago difaaciisa, hogaamiye kooxeedka Farmaajo ahna la tuso xadkiisa”.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa isna ku eedeeyay Farmajo inuu weerar ku yahay Jeneraal Saadaq Joon, uuna doonayo inuu dagaal cusub ka huriyo magaalada Muqdisho.

“Waxaa caaway magaalada Muqdisho laga soo sheegayaa dhaqdhaqaaq ciidan iyo argagixin xaafado shacab oo ka mid ah Muqdisho taasoo looga gol leeyahay in la weeraro Gen. Saadaq John oo la isugu daray laba maalmood gudahood in xilka laga qaado, garaadihii si sharciga baalmarsan looga rifay, saacadaan la rabo in la weeraro oo naftiisa iyo tan ilaaladiisaba halis la geliyo” ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya ay burburiyeen ku takrifal awoodeed iyo in ciidamada loo adeegsado si sharciga baalmarsan, amar qaldanna lagu laayo saraakiil iyo shacab intaba, wuxuuna ciidamada la faray weerarka ugu baaqay in aysan qaadan amar qaldan kana baaqsadaan inay daadiyaan dhiiga dadka walaalahood ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -