(Akhriso) Dowlada Somalia oo ku adkeysatay Muddo kororsiga, una jawaabtay Beesha caalamka

Wasaarada arrimaha dibeda ee Xukuumada Somalia ayaa ka jawaabtay diidmada beesha caalamka iyo dalalka saaxiibka ah ka bixiyeen talaabadii uu golaha shacabka mudada labada sano ah ugu kordhiyey heyadaha dastuuriga ah ee dalka.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ayaa lagu sheegay in DF ka xun tahay hadalada ka soo yeeray beesha caalamka, kuwaasoo baa la yiri xad gudub ku ah dowladnimada iyo madax banaanida Soomaalida.

Dowladaha Maraykanka, Britain, Midowga Yurub iyo dalalka Soomaaliya ka taageera dhaqaalaha, ciidamada iyo dib u dhiska ayaa diiday iney taageeraan muddo kororsiga labada sano ah, iyagoo xusay in hadii aan laga laaban ay qaadi doonaan talaabooyin adag.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka oo ku qoran Somali iyo English  

War-saxaafadeed 
Muqdisho, Soomaaliya

Abriil 14, 2021

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si aad ah uga xumaatay inay aragto hadallada qaar ka mid ah saaxiibbadeeda caalamiga ah ku marin habaabinayaan sharciyadda ay soo saaraan hay’adaha dowladda ee lagu ilaalinayo xuquuqda dimoqraadiyadda shacabka ee ay ku dooranayaan hoggaankooda, taas bedelkeedana loogu fasiray muddo kordhin sharci daro ah.

Dadka Soomaaliyeed waxay u oomanaayeen fursad ay ku gutaan xuquuqdooda dimoqraadiyadeed oo ay ugu adeegsadaan awoodda codkooda doorashada hoggaamiyeyaashooda. Inkastoo dowladu dadaal badan ku bixisay himiladan, Sebtember 17th, 2020, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya waxay isku raaceen in la joojiyo hannaankaas oo la qabto doorasho dadban.

Sida ay dhammaantood goobjoog u ahaayeen sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, labo ka mid ah saxiixayaasha heshiiska 17 Sebtember 2020, oo kala ah hoggaamiyeyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland, ayaa diiday heshiiskaas iyagoo fulinaya cadaadis ba’an oo kaga yimid dalal shisheeye, waxay isku dayeen inay hakiyaan oo afduubtaan Geeddi socodka doorashooyinka iyagoo abuuraya dalab aan dhammaad lahayn iyo iyagoo ku baaqaya in la burburiyo hay’adaha dowladda ee qaranka.

iyadoo laga duulayo Khataraha ka imaan kara luminta horumarka la sameeyay ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka waxay ka doodeen oo ay u codeeyeen 12-ka Abriil 2021 sharciga jiheynta doorashooyinka Qaranka si loo ilaaliyo hay’adaha dalka. Go’aankan waxaa si ballaaran u taageeray daneeyayaasha muhiimka ah ee siyaasadda dalka oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saddex ka mid ah shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah Federaalka, kuwaasoo kala ah Hirshabeele, Galmudug iyo Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Sida ku cad qodobka 47aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro sharciyo gaar ah oo qeexaya xeerarka khuseeya doorashooyinka heer federaal.

Sidaa darteed, sharciga uu soo ansixiyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka 12-kii Abriil 2021 oo dejinaya doorasho hal qof iyo hal cod ah oo laga hirgeliyo dalka ayaa meesha ka saaraya qorshe kasta oo horay loo gaaray, oo uu ku jiro heshiiskii 17-kii Sebtember 2020. Asal ahaan, sharcigani wuxuu dalka siinayaa fursad ay ku fuliyaan mid ka mid ah xulashooyinka ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC), oo horey u soo saaray dhowr fursadood oo lagu fulin karo doorashooyin lagu dhameystirayo doorashooyinka 13 bilood gudahood.

Inkasta oo aan ka mahadcelineyno walaacyada saaxiibbadeen iyo saaxiibbadeenna caalamiga ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya, haddana waa wax laga xumaado in markhaati laga noqdo in loo ololeeyo mabaadi’da dimoqraadiyadda oo ka gaabinaysa taageeridda himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah inay helaan xuquuqdooda dimoqraadiyadda.

Hadalada xanafta leh iyo hanjabaadaha waxay wax u dhimayaan madaxbanaanida siyaasadeed iyo xuquuqda madaxbanaan ee hay’adaha qaranka, waxay kaliya u adeegi doonaan dhiira galinta ururada argagixisada iyo kuwa nabad diidka ah ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay garab taagan tahay go’aannada ka soo baxay Baarlamaanka Federaalka waxayna weli ku taagan tahay hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhaca dalka muddada loo cayimay. Waxaan ka codsaneynaa asxaabteena iyo saaxiibadeena inay sii wadaan taageeradooda wax ku oolka ah ee amniga Soomaaliya iyo xasiloonida mustaqbalka fog.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -