Iran oo ku hanjabtay aargoosi kadib weerar lagu qaaday xarun Nukliyeerka lagu farsameeyo

Dowlada Iran ayaa shaacisay in ay qaadi doonto talaabo ay uga aargudaneyso weerar  dhinaca internetka ah oo lagu qaaday xarun dhulka hoostiisa ku taal oo nukliyeerka lagu farsameeyo.

Weerarkan ayaana dowlada Iran ku tuhmeysaa in ay ka dambeeyaan sirdoonka maamulka Isra’il ee loo yaqaan Mossad, weerarkan ayaana khasaaro xoogan uu kasoo gaaray xaruntan lagu farsameeyo nukliyeerka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa weerarkan lagu qaaday xarunta nugliyeerka lagu farsameeyo ku eedeeyay Isra’il, waxa uuna ku hanjabay in ay qaadi doonaan talaabo aargudasho ah.

Dowlada Iran ayaa sheegay in xarunta lagu kobciyo uranium-ka ee Natanz ay bartilmaameed u aheyd “argagixiso nukliyeer”, waxaana weerarkan uu sababay in korontadii ay ka tagto xaruntan oo dhulka hoostiisa kutaala.

Wargeysa New Yourk Times ayaa kasoo xigtay saraakiil katirsan sirdoonka Mareykanka in qaraxa weyn uu gebi ahaanba baabi’iyay nidaamkii awoodda gudaha ee madaxa-bannaanaa ee keenayay tamarta ayna gabi ahaanba burbureen.

Maamulka Isra’il oo lagu tuhmayo in weerarkan fuliyeen ayaan wali wax jawaab ah ka bixin eedeynta loo jeedinayo, waxaana la isweediinayaa talaabada aargudashada ah ee qaadi doonto dowlada Iran kadib weerarkan lagu qaaday xaruntooda nukliyeerka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -