QM oo soo dhoweysay arrin muddo la sugayey oo maanta ka dhacday Somalia

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay kulankii maanta khadka internetka ku dhexmaray Madaxweynaha Somalia iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa lagu amaanay talaabada ay qaadeen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada, iyagoo bogaadiyey in la sii wado kulamada noocaan ah.

“Qaramada Midoobey waxay soo dhoweyneysaa kulankii khadka Internet-ka ahaa ee maanta dhexmaray madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha dowladaha xubnaha ka ah federaalka, Qaramada Midoobey waxay ku ammaaneysaa Madaxweyne Farmaajo iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada tallaabada muhiimka ah ee wadahadalka caadiga ah ee ku saabsan mudnaanta, daneeyeyaasha Soomaaliya ee looga hadlayo arrimaha ahmiyadaha qaranka, sida doorashooyinka, amniga iyo deyn cafinta” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, taas oo muhiim u ah xaqiijinta yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee dowladnimada iyo dib u soo celinta qarannimadeena sida lagu sheegay qoraal ay madaxtooyada Somalia ka soo saartay kulankaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -