Allbanaadir.com
NEWS

Xuutiyiinta Yemen oo gantaal la helay markab laga leeyahay dalka Switzerland (Sawirro)

Xuutiyiinta oo ay taageerto Iran ayaa labo gantaal oo nooca ballistic-ga ah ka soo riday dalka Yemen, iyagoo duqaymo iyo waxyeelo u geystay Markab Konteenar ah oo laga leeyahay dalka Switzerland kaasoo marayey Gacanka Cadmeed, sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Maraykanka.

Mid ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay markabka M/V MSC Sky II, wuxuuna waxyeello u geystay markabka, balse wararkii ugu horreeyay ayaa sheegaya in aysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalaha markabka la socday socday.

Dhowr saacadood ka dib, Maraykanku wuxuu fuliyay weerarro ka dhan ah laba gantaal oo kuwa lidka maraakiibta ah kuwaasoo ku wajahnaa maraakiibta ganacsiga iyo kuwa ciidamada badda ee Maraykanka ee gobolka.

Xuutiyiinta, oo gacanta ku haya inta badan waqooyiga Yemen oo ay ku jirto caasimadda Sanca, ayaa sheegay in weerarrada ay ku qaadayaan maraakiibta ganacsiga ee badda cas iyo gacanka Cadmeed ay uga gol leeyihiin inay ku cadaadiyaan Israa’iil iyo xulafadeeda inay joojiyaan dagaalka Gaza.

Kooxdan ayaa marar badan sheegtay in  howlgallada ay ka wadaan Badda Cas ay joogsan doonaan marka Israa’iil ay joojiso dagaalka oo ay ka qaado go’doominta ay ku hayso dhulka Falastiin.

Related posts

Maxkamadda ciidamada oo xukun adag maanta ku riday Eeney Ureyn Garaar Ooyow

Cabdi Cade

Hoobiyaal lagu garaacay Villa Soomaaliya iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Sadaxda Nin ee Ugu Mushaar ka badan Wasaaradda Maaliyadda iyo Heerka Musuq-Maasuqa uu gaaray !!

admin
Taboola Ads ---