Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal Caan ah oo katirsanaa Booliiska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeesan ayaa maanta degmada Hodan gaar ahaan xaafada Seybiyaano ku dilay sargaal katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya oo lagu magacaabayay Gaashaanle Mahad Cali Cilmi (Mahad Doollar).

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaa sargaalkan gaadmo ku dilay iyagoona dilka kadib goobta isaga baxsaday, waxaana goobta lagu dilay sargaalkan gaaray ciidamo katirsan booliiska oo halkaasi baaritaano ka bilaabay.

Sargaalkan la dilay ayaa caan ka ahaa xaafada Seybiyaano iyo xaafadaha ku dhaw dhaw , waxa uuna sargaal awood badan lahaa sidoo kale ka amar qaadanayeen ciidamo isugu jira booliis iyo kuwa kale.

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dilkan loo geestay Gaashaanle Mahad Dollar, sidoo kale ma jiro cid sheegatay masuuliyada dilkan maanta loo geestay sargaalkan katirsanaa booliiska Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse Barre oo dhagax dhigay xarun Wasaaradeed oo si casri ah loo dhisayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Raila Odinga oo Balan qaaday in uu dib soo celinayo Suuqa Qaadka Kenya ee Soomaaliya.

Cabdi Cade

Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashada oo hakiyay Saddex kursi oo dacwad laga gudbiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---