Natiijada dilka Baarista Gudoomiyihii degmada Hodan oo xeer ilaalinta loo gudbiyay

Guddi Xukuumada federaalka Soomaaliya u xil saartay baarista dilka Gudoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun ayaa maanta galka baarista kiiskaasi ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta Qaranka.

Guddigan ayaana baaris qoto dheer ku sameeyay dilka Gudoomiyihii degmada Hodan ay geesteen ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo ku sugnaa Isgooska jid Mareexaan ee degmada Howlwadaag taariikhdu markey aheyd  28-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan.

Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubeey Jimcaale, ayaa sheegay in guddiga loo saaray baarista kiiskan dilka ah mudo labo bil ku qaadatay in baaritaan ku sameeyeen soona aruuriyaan xaqiiqada dilkaasi.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Hay’adaha garsoorka dalka ay Shaqadooda qabsan doonaan ayna bilabi doonaan qadiska dacwadda Kiiska uuna rajeeynayo inay Cadaalad heli doonaan Qoyska guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhegajuun.

Dilka Gudoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun ayaa loo xiray saraakiil iyo ciidamo  katirsan booliiska Soomaaliya kuwaa oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen falka dilka ah, waxaana horey loo daayay saraakiil iyo askar dambi lagu waayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -