(Sawirro) Mareykanka oo boqolaal milyan ugu deeqay Itoobiya ka dib booqashadii Blinken

Mareykanka ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay xulafadooda ugu muhiimsan geeska Afrika, iyadoo haatan meesha laga saaray mad madowgii u dhexeeyey ee ka dhashay dagaalkii lagu qaaday Tigray.

Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Anothony Blinken ayaa la kulmay ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha debedda Demeke Mekonnen, taasoo qayb ka ahayd booqasho maalin ah oo uu ku tegey dalkaas.

Anothony Blinken ayaa rajo ka muujiyey heshiiskii nabadeed ee ay bishii November kala saxeexdeen dawladda federaalka ah ee Ethiopia iyo xoogagga Tigray.

Intii uu kulanku socday, waxaa labada dhinac ay ka wada hadleen in maamul ku meel gaar ah oo sameeyo gobolka Tigray, kaasoo qayb ka ah heshiiskii nabadeed ee la saxiixay bishii November.

Ethiopia ayaa tan iyo markii heshiiskaas la gaaray, waxay gobolkaas ka qaaday, xayiraaddi saarnayd, iyadoo u ogolaatay in gargaarka bini’aadanimo uu gaaro, halka ciidamada Tigray ay hubka ku wareejiyeen ciidamada dawladda.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dawladda Ethiopia Qodobada kale ee ay ka wada hadleen Maraykanka iyo masuuliyiinta Ethiopia ayay ku jirtay, siyaasadda caddaaladda ee ku meelgaarka ah, taasoo horseedaysa isla xisaabtan.

“Aad iyo aad bay u wanaagsan tahay inaan markale ku soo laabto Afrika, gaar ahaan dalka Ethiopia, waxaan qabaa inay tahay xilli muhiim u ah, yididiilada nabadda ee ka socota dhinaca woqooyi, taasoo hore u sii socota” ayuu yiri.

“Waxaa jirta wax badan oo ay tahay in la qabto, hase ahaatee waxaa ugu muhiimsan in la sii xojiyo nabadda haatan ka hanaqaaddaysa Woqooyiga” ayuu sii raaciyey.

Kulanka dhex maray labada masuul, waxaa ka qayb galay masuuliyiin sarsare oo ay ka mid yihiin Danjiraha Maraykanka u jooga Ethiopia Tracey Ann Jaobson iyo danjiraha Ethiopia u jooga Maraykanka Seleshi Beeke.

Ethiopia ayaa dhinaceeda dedaal ugu jirta, inay soo afjarto baaritaanka ay dabada ka riixayso Qaramada Midoobay ee ku aaddan xadgudubyadii xuquuqda aadanaha ee ka dhacay dalkaas.

Warbixin ay soo saareen baadhayaasha Qaramada Midoobay, oo ay Itoobiya diiday, ayay ku ogaadeen xad-gudubyo baahsan oo ay labada dhinac sameeyeen intii uu dagaalku socday, oo ay ka mid tahay in dowladdu ay gaajo u adeegsatay qaab dagaal.

“Itoobiya, waxaan ku bixinaynaa in ka badan $331 milyan oo gargaar bini’aadantinimo ah si aan u taageerno adeegyada caafimaadka iyo nafaqeynta, helitaanka biyo nadiif ah, la dagaalanka haqab-beelka cuntada, iyo bixinta adeegyada muhiimka ah ee qaxootiga” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony J. Blinken.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa booqasho ku maraya Afrika, iyadoo ujeedka uu yahay in la xoojiyo xiriirka Mareykanka iyo Afrika.

Hore waxa Afrika u booqday xubno sare oo uu Blinken ka mid yahay, wasiirka Maaliyadda iyo marwada koowaad ee Mareykanka, waxaana la filayaa dhammaadka bishan in Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ay booqato qaaradda dalal ka mid ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -