Duufaano Baraf iyo Dabeylo xoogan wata oo dad badan dilay

Qaar kamid ah gobolada dalka Mareykanka waxaa ku dhuftay duufaanno wata baraf, roob iyo dabeylo aad u qaboow, waxa ayna sababeen in dad badan dhintaan halka kuwa kalana xaalad adag ku jiraan.

Ku dhawaad 20-qof ayaa ku dhintay Duufaanada wata barafka ee ku dhuftay gobollada koofureed ee dalka Mareykanka, waxaana laga cabsi qabaa in dad kale u dhintaan qabowga daran iyo duufaanada socda.

Waxaa shalay meydadka saddex qof laga helay xeebaha gobolada North Carolina, halka magaalada Houston ay ku dhinteen qoys ka kooban afar qof, kaddib marki ay ku gubteen dab ay diirrimaad ka raadinayeen.

Qaar kamid ah gobolada dalka Mareykanka ayaa waxaa ka jira koronto la’aan,, Hey’adda Qaran ee Saadaasha Hawada Mareyakanka ayaa ka digtay in ilaa 174 milyan oo qof ay saamey doonaan duufaanta ka dhaceysa Mareykanka xilligaan qaboow ee jiilaalka.

Qabowgan ka jira dalka Mareykanka ayaa lagu tilmaamay in uu yahay mid kamid ah kuwii ugu xumaa ee dalkaasi soo mara, waxaana socda dadaalo dowlada ugu gurmaneyso dadka uu saameynta xoogan ku yeeshay qabowgan daran ee dalkaasi ka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -