Cumar Cabdirashiid oo shaaciyay ujeedka ka dambeeya Fashilinta Shirkii Afisiyoone

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake , ayaa ka hadlay shirkii fashilka kusoo dhamaaday ee teendhada Afisiyooni ku yeesheen madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in si kutalo gal ah loo fashiliyay shirkii u socday madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, waxa uuna tilmaamay in ujeedka laga leeyahay fashilinta shirkaasi uu yahay in la sameeyo mudo kordhin.

“Ujeedada laga leeyahay in la carqaladeeyo wadahadalada su ay u burburaan  waa  kordhinta waqtiga hay’adaha dowladda, iyada oo uusan jirin heshiis siyaasadeed oo taageeraya, waxayna kaliya halis ugu jirtaa inay keento xasillooni darro iyo kala qaybsanaan ”  ayuu Cumar Cabdirashiid.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaana ku baaqay in hogaamiyaasha dalka gaar ahaan kuwa Dowlada federaalka hogaamiya lagula xisaabtamo xaalada cakiran ee dalka ka jirta gaar ahaan khilaafka dooarshada ka taagn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -