Beesha Caalamka oo kala fur fureysa maamulada Villa Somalia taabacsan iyo Ujeedka ka dambeeya

Beesha caalamka ayaa ku guul dareesatay dadaalo badan ay ku dooneysay in ay ku heshiiyaan madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka si dalka uga dhacdo doorasho loo dhan yahay raalina laga wada yahay.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in beesha caalamka bilaabeyso cadaadis ay saareyso madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira si meesha looga saaro khilaafka ka jira doorashada.

Beesha caalamka ayaana la sheegay in xushamd ay u heyso madax banaanida iyo hogaanka Siyaasada dalka ay keentay in aysan faragalin badan ku sameyn kana shaqeyso sidii Madaxda cdowlada iyo kuwa maamulada dhaxdooda u heshiin lahaayeen.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in beesha caalamka si gaar ah cadaadis u saareyso maamul goboleedyada dalka ka jira si ay u aqbalaan qabashada doorasho loo dhan yahay, waxa ayna madaxda maamulada ugu hanjabeysaa cunaqabateyn iyo xayiraad.

Wakiilada beesha caalamka ayaa sidoo kale la sheegay in madaxda taabacsan madaxtooyada Soomaaliya si gaar ah diirada u saareyso si ay uga fur furto Farmaajo ugana dhaa dhiciso maamuladaasi in raali ka noqdaan doorasho madax banaan.

Beesha caalamka ayaana aaminsan hadii cadaadis la saaro maamulada lagana furo villa Soomaaliya kuwa taabacsan in madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya dabcayaan ayna ogolaanayaan qabashada doorasho loo dhan yahay.

Kulan xalay dhax maray Wakiilada beesha caalamka qaarkood iyo madaxda sadex maamul oo taabacsan dowlada fedeeraalka ayaa madaxda maamuladaasi loogu hanjabay in xayiraad la saarayo hadii Muqdisho ka baxaan.

Wakiilada beesha caalamka ayaa sidoo kale maanta la filayaa in ay la kulmaan madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland si iyana ugu cadaadiyaan in dabacsanaan muujiyaan si xal loogu helo khilaafka doorashada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -