Shirka u dhaxeeya DF iyo maamul goboleedyada oo goordhaw si rasmi ah u furmay

Waxaa goordhaw teendhada Afisiyooni ee kutaala xeendaabka garoonka diyaaradaha Adan Cadde ka furmay shir u dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan goordhaw furmay waxaa gudoominaya Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo waxaana ka qeyb galaya shanta maamul goboleed ee dalka ka jira iyo maamul gobolka Banaadir.

Shirkan goordhaw furmay oo warbaahinta banaanka ka joogaan ayaa la filayaa in looga arinsado loogana heshiiyo ajandaha shirweyne looga hadlayo arimaha doorashada ay isugu imaanmayaan Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo horey u diidanaa ka qeybgalka shirka ayaa saakay qeyb ka ah shirkan goordhaw furmay, waxaana dhinacyada shiraya kawada hadlayaan islana meel dhigayaan ajandayaasha shirka doorashada looga hadlayo.

Beesha caalamka ayaana gacan ka geesatay qabsoomida shirkan horu dhaca ah ay saakay isugu yimaadeen madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, waxaana la sheegay in beesha caalamka kaalin muuqata ku leedahay shirkan iyo socodsiintiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -