Allbanaadir.com
NEWS

Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay roobkii ka da’ay Muqdisho oo la shaaciyay

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho la da’ayay roob xooggan oo dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac, bur bur guryo iyo sidoo kale wadooyin muhiim ah oo kuyaallay caasimadda.

Roobka ka da’ay magaalada Muqdisho oo socday saacado badan oo xiriir ahaa ayaa sababay in ay buuxsamaan warihii kuyaallay qaar klamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxa uu sidoo kale roobka biyo dhigay wadooyin magaalada kuyaalla.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in roobkii shalay ka’ay magaalada Muqdisho uu sababay geerida labo carruur ah, waxa uu sidoo kale tilmaamay hal qof kalana in uu dhaawac soo gaaray.

Waxa uu sheegay afhayeenka in roobka uu bur bur xooggan gaarsiiyay 11-guri oo kuyaalla Muqdisho uuna saameyn xooggan ku yeeshay boqolaal qoys oo deganaa, xaafado u dhaw dhaw gobaha waraha ay kuyaallaan.

Saameynta ka dhalatay roobkii shalay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa wali muuqata, waxaana bur buray qaar kamid ah laamiyadii magaalada Muqdisho laga dhisay, halka kuwa kalan aay yaalaan qashin iyo biyo badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso: Shan waxyaabood oo lagu xusuusan doono xukuumaddii R/W Kheyre

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaaraha Somalia oo gudoomiyay shir muhiim ah oo ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Duqeymo dhinaca cirka ah oo ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---