Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Dawladda Soomaaliya oo Hal Milyan oo Doolar ugu Deeqday Somaliland si loogu caawiyo dadkii …

Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna gudoomiyaha Guddiga qaran ee Gurmadaka Fatahaadaha, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya $1,000,000 (Hal Milyan oo Doolar) ay ugu deeqday deegaannada fatahaaduhu saameeyeen ee golalada Waqooyi.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo ay wehliyeen wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiir kuxigeenka Dastuurka, Dr Hussein Abdi Elmi iyo xubna ka tirsan Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa si qota dheer uga hadlay dhibaatooyinka jira isaga oo codsaday in Shacbiga Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan u gurmadashada dadka walaalahood ah ee dhibaatadu gaartay.

“Hal milyan oo doolar oo gargaar ah ayaa Dawladdu ugu deeqday deegaannada goballada Waqooyi ee fatahaadaha iyo duufaantu saameeyeen”, ayuu yiri Ra’iisuwasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka ayaa sidoo kale sheegay in Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaaduhu ay meel wanaagsan marsiinayaan dadaallada loogu gurmanayo dadkii dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadda Wabiyada iyo Roobabka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Galmudug oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay degaanka Camaara

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo si kulul u beenisay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Xassan Shiikh

Caydiid Ali

Ekrem Yüce oo aqbalay inuu booqasho ku yimaado Magalada Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali