Sargaal katirsan Booliiska Puntland oo la dilay iyo nin la tuhmayo oo la qabtay

Wararka ka imaanaya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan halkaasi ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada booliska Puntland gaar ahaan qeybta hay’adda dambi baarista.

Sarkaalka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cumar Maxamed Samatar, ayaa la dilay xili uu kusii jeeday gurigiisa, waxaana sargaalka la sheegay in ay dileen sadex nin oo watay mooto Bajaaj.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland  Korneyl Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah ragii ka dambeeyay di9lka sargaalka loo geestay.

Waxa sidoo kale sheegay taliyaha in ay socdaan howlgalo kale oo lagu baadi goobayo ragii kale ee qeybta ka ahaa dilka loo geestay sargaalka katirsanaa ciidanka booliiska, waxa uuna shacabka ka codsaday in ciidamada gacan ku siiyaan soo qabashada ragaasi.

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kusii badanaya dilalka qorsheesan ee loo geesto saraakiisha iyo shaqaalaha kale ee maamulka Puntland, waxaana magaaladaasi marar badan ka dhacay dilal kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -