Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne aan weli xilka loo dhaarin oo ka badbaaday afgembi (Daawo Sawirro)

Ciidamada ilaalada Madaxweynaha cusub ee Niger ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan isku day afgembi oo xilka looga tuuri rabay madaxweynaha dhawaan ku guuleystay doorashada ee Niger saacado ka hor inta aan xilka loo caleemo saarin.

Ciidamadii ku lugta lahaa falalkaas ayaa xabsiga loo taxaabay, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa ilo wareedyo ka tirsan laamaha amniga.

Rasaas xooggan ayaa saaka laga maqlay agagaarka madaxtooyada Niger, Balse ma jiro wax ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda oo ku saabsan isku dayga afgembi.

Niger waxaa sare u kacay weerarada ay fuliyaan maleeshiyaadka iyo sidoo kale xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay kadib markii lagu dhawaaqay in Maxamed Bazoum in uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada bishii Febraayo.

Mahamane Ousmane oo ahaa madaxweynihii hore ee Niger oo ku guuldareystay doorashada ayaa diiday in uu aqbalo natiijada isla markaana wuxuu ku gacan seyray go’aan ka soo baxay maxkamad ku taalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hadalkii Ugu Dambeeyay Duuliyihii Waday Diyaaradii Bur burtay ee Itoobiya oo la ogaaday

Cabdi Cade

Turkiga oo kordhiyey xannibaadda uu saaray diyaaradaha Ruushka ee isticmaala hawadeeda

Cabdi Cade

Kooxo hubeysan oo caawa dil ka geystay Boosaaso & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---