Wararkii Ugu Dambeeyay kulankii Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada oo meel mariyay …

Waxaa goordhaw xarunta Golaha shacabka ay ku shiraan ka furmay shir ay leeyihiin Xildhibaanada golaha shacabka, waxaana shirkan Gudoominaya Gudoomiyaha golaha Maxamed Mursan Sheekh.

Kulanka Xildhibaanada golaha shacabka ayaana maanta waxaa horyaalay laboajande oo kala ahaa Covid-19, meel marinta labo xubnood oo kamid noqonaya Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyadoona meesha laga saaray ajandihii U codeyn sharciga Qaxootiga Qaranka.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa goordhaw ansixiyay Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza oo ka mid ah Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyo Federaalka.

Kulanka oo ay joogeen 139-Xildhibaan ayaa waxaa ogolaatay in labadan xubnood lagu daro guddiga xuduudaha  136-Xildhibaan  halka ay ka aamuseen 3-Xildhibaan mana jirin wax diiday in ansixinta labadan xubnood.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaana kulankooda sii wata iyagoona guda galay ajandayaasha kale ee horyaala, Gudoonka golaha shacabka ayaan ajandaha kulanka kusoo darin qodob shaki laga qabay oo ahaa mudo kororsi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -