Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo booqday Xarumaha Gurmadka deg-degga (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa  booqday Isbitaallada Erdogan, Banaadir iyo Xarumaha Gurmadka deg-degga ah ee Gobolka Banaadir oo ay ku shaqeynayaan kooxaha Gurmadka heer Federaal iyo heer Gobol.

Mudane Saalax ayaa ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallada, warbixin la xiriirta xaaladda bukaanada jiifa, isagoo ku ammaanay dhakhaatiirta sida ay heeganka ugu yihiin caawinta dhaawacyada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa soo kormeeray xarunta gurmadka deg-degga ah ee Gobolka Banaadir oo ay ku sugnaayeen xubno kamid ah guddiyada gurmadka qaraxii KM5.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka iyo Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Banaadir ee Amniga iyo Siyaasadda iyo Arrimaha bulshada, ayaa warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka howlaha gurmad ee ay qabteen saacadihii la soo dhaafay, isagoo tilmaamay in Xukuumaddu ay garab taagan tahay guddiyada gurmadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Ciidamo hubeysan oo caawa la wareegay qeybo ka mid ah Baladweyne (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Somaliland oo soo bandhigay Cududooda iyo hubka ay heestaan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabad weyn oo ka dhacday tiyaatarka Qaranka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---