Allbanaadir.com
NEWS

Shariif oo si kulul uga hadlay talaabo ay qaaday DF

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka iyo xiisada ka taagan Jubbaland iyo DF

Shariif ayaa si adag uga hadlay khilaafka culus ee u dhaxeeya dowladda fedaraalka iyo Jubbaland, isagoona garab istaag xoogan u muujiyay madaxweynaha dhawaan dib loogu doortay Jubbaland Axmed Madoobe.

Waxaa ayaa sidoo kale arrin aan wanaagsaneyn uu ku tilmaamay talaabada dowladda Fedaraalka ay ku geysay deegaanada Jubbaland ciidamo ay ka daabushay magaalada Muqdisho si cadaadis u saaraan Madoobe.

“Arrintu waxay gaartay ciidamadii qaranka ee loogu talagalay inay difaacaan dalka in loo adeegsanaayo xaalad la abuuraayo oo uu dhiig ku daadan karo, waana mas’uuliyad darro weyn, mana jirin baahi loo qabo in ciidan qaran la geeyo Jubbaland” ayuu yiri madaxweyne hore.

Shariif ayaa sidoo kale waaranka soo qabashada ah ee loo jaray Axmed Madoobe ku sheegay mid qalad ah, isla markaana doorashada Jubbaland ay ku qabsoontay waqtigii loogu talo galay ayna tahay in la aqbalo

“Qofkii yiri doorasho aan qabanayaa ee qabtay in la yiraahdo waaran ayaa loo jarayaaa kii kaleetana sidaada ku joog hadaa aamustana tan oo kale ayaa kuugu dhaceyso dowladnimo kuma shaqeyneyso sidaas ee dowladnimo wa heshiis bulsho, dowladda hada waxaa u furan in maamul goboleedyada kale ay tiraahdo doorasho hala qabto” ayuu yiri Sheekh Shariif

Khilaafka u dhaxeeya dowladda fedaraalka iyo Jubbaland ayaa marayo heerkii ugu sareeyay, waxaana walaac xoog leh laga muujinaya dagaalo dhexmari kara ciidamada labada oo wada dhaqdhaqaaqyo milateri oo aan la saadaalin karin halka uu ku dambeyn doono.

Related posts

Khasaaro Dhimasho oo ka dhashay daadad xoogan oo xalay ku rogmaday magaalada Qardho

Cabdi Cade

Xildhibaan Kenyan oo ka soo horjeestay joogitaanka C/rashiid Janan ee Mandhera

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Wasiir Fiqi iyo dhigiisa Sameh Shoukry (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---