Somtel oo daahfurtay Adeega eSim gaari Qaali ahna abaal marin ku dhiibtay (Sawirro)

Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa daah-furtay adeegga casri ah eSim, Sidoo kale ku abaalmarisay macaamiilka ku guuleystay gaariga Hyundai-ga ah oo qeyb ka ah ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 Hadiyadood

Adeegga eSim waa adeegga casri ah oo ku sahlaya inaad Taleefoonkaaga ku isticmaasho Lambarka somtel adigoo taleefoonkaaga wax Simcard ah gelinin

Munasabada oo ka koobneyd daah-fur adeegga esim abaalmarinta macamiilkii ku guuleysay gaariga Hyundai oo qeyb ka ah ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 Hadiyadood

Tan iyo markii la daah-furay ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 ,hadiyadood waxaa ka faa’ideystay ku dhawaad 6,000 macamiil oo ku kala guuleystay bajaajyo , Laptops,Tv Screens , Dahab, Friges,Cooking Machines, Ipads Samsung Mobiles,eDahab Cash hadiyado kale qaali ah

Munaasabada waxaa ka soo qeybagalay Xildhibaano,Wasiiro, Mas’uuliyiin ka tirsan golaha aqalka sare, Rugta ganacsiga warshadaha,Jaamacadaha, iyo mas’uuliyiin kale dhowr ah.

Ugu horeyntii waxaa munaasabada daahfuray madaxa waaxda ganacsiga somtel Mudane C/laahi Cali Caamir oo ku dheeraaday ahmiyada adeegga esim

“Waa adeegga casri oo ku cusub dunida sida aad somtel horay uga barateen waxaa ka go’an in mar walba la jaanqaado tiknoolujiyada casiga ah umada soomaaliyeed aan la wadaagno dhawaan waxaan ku dadaaleeynaa in adeegga 5G soomaaliya laga isticmaalo.”

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay maareeye ku xigeenka guud ee somtel Mudane Aadan Xaaji Yuusuf oo tilmaamay in somtel ay sii wadi doonto Ololaha ku shubo oo Guuleyso.

“Waa bilow Waxaan rajeeyneeynaa in labada bilood ee soo socdo sidaan oo kale loogu guuleysto Waliba gawaarida Hyundai-ga ah waxaan u rajeeynayaa Macaamiisheena baahida u qabto sida Maamada Ku guuleystay gaariga Maanta oo ah Qof dumar ah oo beeraleey oo ku nool baadiyaha magaalada beled-weyn”

Waxaa Sidoo kale Munaasabada ka hadlay Maareeye ku xigeenka Dahabshil Group Mudane C/risak xaaji Xuseen; “Waa Macamiil mudan in lagu daydo xaqiiqdii hadiyadii ay ku guuleysatay waxa ay garwaaqsatay inay ku bixiso tacliinta ubadkeeda Waa hooyo beeraleey danyar ah oo mudan hadiyadaan sy somtel gudoonsiisay”

Waxaa ugu dambeyntii munaasabada soo xiray wasiirka isgaarsiinta Tiknolujiyada oo si toos ah xarigga uga jaray adeegga eSim kuna tilmaamay mid baahi farabadan loo qabay

“Adeeggaan waxaa isticmaalo dalal kooban dunida oo idil waa adeegga casri Waxaan u baahanahay inan ka faa’ideysano tiknoolujiyada casriga Umada Soomaaliyeed Africa oo idil isgaarsiinta ka jirta waxaa laga leeyahay dalka dibadiisa halka dalkeena shirkadaha isgaarsiinta ka furan ay leeyihiin ganacsato soomaaliyeed waa hormar la taaban karo”

Si kastaba ha ahaatee Shirkadda isgaarsiinta somtel waa shirkaddii ugu horeysay ee macaamiisheeda ku abaalmarisa 10,000 hadiyadood oo ugu sareeyo gaari Hyundai oo qiimihiisu yahay ku dhawaad 40,000 doolar sidoo kale waa shirkadii isgaarsiineed ee ugu horeysay soomaaliya oo xal u hesha macaamiisha isticmaasha taleefoonada 1simcard xambaara oo waxa ay u soo kordhisay adeegga eSim oo aad uga maarmeyso inaad labo mobile isku wadato simcard-ka labaad waxaad u siticmaaleeysaa hab casri oo macaamiilkii shirkadda ay u direyso Code una adeegsanayo hab ( Defult) ah si gaar ah macaamiisha isticmaasha taleefoonada ( Iphones-ka iyo Samsung) nuucyadii ugu dambeeyay oo kaliya loogu talagaly in lagu isticmaalo 1Simcard.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -