Trump oo ku hungoobay dacwad uu doonayey in guusha Biden lagu laalo

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa ku gacan seyrtay dacwad uu gobolka Texas u gudbiyay oo lagu rabay in lagu laalo codbixintii gobollada Georgia, Michigan, Pennsylvania and Wisconsin oo uu Biden uga guuleystay Trump.

Maxkamada ayaa sheegtay ineysan jirin cadeymo buuxa oo muujinaya in qaladaad ay ka jireen codbixinta ka dhacday goboladaas.

Dacwadda gobolka Texas oo uu gadaal ka riixayey Madaxweyne Trump ayaa waxaa taageeray in ka badan 100 mudane oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, kuwaasoo rajo ka qabay in Maxkamadda Sare ay tuurto natiijada doorashadii madaxtinimada ee afar gobol oo ka tirsan Mareykanka oo uu ku guuleystay Joe Biden.

Go’aan kooban oo kasoo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay, in Texas uusan sharci u laheyn inuu dacwad ka keeno kiis khuseeya gobollada Georgia, Michigan, Pennsylvania iyo Wisconsin.

Kiiskan ayaa waxaa talaadadi Maxkamadda Sare u gudbiyay Xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka Texas oo ah Jamhuuri, isla markiiba waxaa taageeray kiiska xeer ilaaliyaasha 19 gobol oo ka mid gobollada Mareykanka iyo 129 mudane oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Congress ka.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa waxaa qaadi ka ah 9 garsoore oo 6 ka mid ahi yihiin Jamhuuri. Saddex ka mid ah waxaa magacaabay Trump, midkoodna kama uusan hadlin dacwaddan.

Go’aankan ayaa dhabar-jab ku ah rajadii uu madaxweynaha xilka kasii dhamanayo ka lahaa in maxkamadda sare ay ku diido natiijada doorshada uu ku guuleystay madaxweynaha la doortay Joe Biden.

Maalinta Isniinta ah ayay kulmi doonaan xubnaha Ergooyinka leh codbixinta ugu danbeysa ee doorashada Madaxweynaha Mareykanka, kuuwaasoo loo yaqaano Electoral College.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -