Dowladda Mareykanka oo War kasoo saartay Heshiiska Dowladda Itoobiya iyo TPLF

Wadahadalo dalka Koonfur Afrika uga socday dowladda federaalka Itoobiya iyo jabhada TPLF ayaa lagu gaaray heshiis is faham ah, waxaana heshiiskan la filayaa in uu xal u noqdo colaadii ka aloosneed Waqooyiga Itoobiya.

Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweesay heshiiska horu dhaca ah ee dhaxmaray dowladda Itoobiya iyo jabhada TPLF, waxa ayna rejo ka muujisay in heshiiskan xil u noqdo mid xalk u noqda colaada dadka badan ku dhinteen.

“Waan soo dhawaynaynaa tallaabada muhiimka ah ee maanta ka dhacday Pretoria ee lagu hormarinayo ololaha Midowga Afrika ee lagu doonayo in lagu aamusiyo hubka,” ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken ku yiri hadal uu soo saaray, waxaan soo dhaweyneynaa bixinta gargaarka bini’aadantinimo ee aan la carqaladeyn iyo ilaalinta dadka rayidka ah ee ka dhalan karta hirgelinta heshiiskan,” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa bogaadiyay “dadaalka weyn” ee dhex-dhexaadiyeyaasha Midowga Afrika oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo Koonfur Afrika oo ah martigeliyaha wadahadalkan oo sidoo kale uu ku lug lahaa ergeyga Maraykanka ee Geeska Afrika Mike Hammer.

Heshiiska horu dhaca ah dhax maray dowladda Itoobiya iyo Jabhada TPLF ayaa rejo badan laga qabaa in uu soo ajfaro colaada sannadaha socday ee sababtay in dad badan dhintaan kuwa kalana barakacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -