Magaalada Ceelbuur – Waayihii Wacnaa iyo Murugada maanta heesata !!

Maqalka magaalo xadaari ah oo qarniyo badan lala xiriirin jiray wax-soo-saar muuqda, ilbaxnimo iyo nolol sarreysa inay maanta kamid tahay magaalooyinka ugu dib-dhacsan dhulka Somaaliyeed, in badan, waxay ku tahay uur-ku-taallo iyo caloolyow.

Waayo waxa aad isku weydaaran muqaalka maanta ka jira dhexdeeda iyo midkii ka jiray qanigii tagay dabayaaqadiisa. Waqtigaa ku keenay waayo adag, waxaana isugu darsamay loolan siyaasadeed iyo laayac bulsho oo dadkii lahaa ay ka abaal-dhaceen.

Waayo marka aad booqato degmada Ceelbuur xilli seyr-maweydo ah, la yaab ma noqon jirin inaad mooddo sida inaad ku sugan tahay jaziirad ku dhex-taal badda dhexdeeda. Hareeraha dooxooyinka iyo waraha xareedu gasho xilli roobaadyada ayaa muuqaalka Ceelbuur u dhiga sida jaziirad kamid ah jaziiradaha ugu toolmoon dhulka Soomaalida. Tanina qof yimaada mooyee, qof kale loogama sheekeyn karin!

Xattaa jiilkii ku dambeeyey nolol ahaan bilowgii qarnigan kuwaas oo hadda dibadjoog ka ah, xusuustu waa xaalad aysan jecleysan inay la keliyoobaan. Sababta oo ah marnaba maanay fileyn inay magaaladoodii qiimaha lahayd sidaan ku dambeyn doonto. Sidoo kale, dagaallada sokeeye waxay qeyb ka yihiin dhaqamada haraadiga ah ee la degay nolol ahaan Ceelbuur.

Haddii aad rabto inaad fahamto muuqaalka magaalo laga haajiray siday u eg tahay qarniga 21aad, Ceelbuur waa tusaalaha nool. Mustaqbalka marka la rabo in la derso waxa ay colaadi uga dhigan tahay jiritaanka umadnimo, magaaladani waxay noqon doontaa midda xaggeeda laga derso.

Xaqiiqdii, waxaa lumay wax walba oo qiimo gal u lahaa. Waxaa dhexdeeda ka abaarsaday socodkii dadka iyo bulxankii shimbiraha kasoo dhawaaqi jiray geedihii qoyanaa. Waxaa la waayay deriskii gu’yaal badan aroor walba iska soo dhinac toosi jiray iyo dhallaankii magaalada oo dariiqyada iskaga hor imaan jiray iyaga oo is eryanaya.

Waxaa la waayay da’yartii bannaanada magaalada ku bedri jiray dameeraha ama kubadda ku dheeli jiray banka magaalada iyo intii kale oo galbiyoodyada ku dabaalan jirtay marwalba oo roobabku ka curtaan. Waxaan muuqan odayadii galab walba ku casiryeyn jiray faras-magaalaha.

Guri walba oo aad aragto wuxuu la taagan yahay qiso gaar ah. Dhamaantoodse, waxay kugu soo eegayaan fiiro damqasho leh oo dhab ahaan u tilmaamaysa aramida xanuunka leh oo ay ka dhaxleen heliwaaga dadkii ku dhex dhaqmi jiray kuwaas oo cidlada uga hayaamay. Marwalba oo indhuhu kusii talaxtagaan dhugashada muuqaallada argagaxa leh, waxaa sii dhimanaysa rejo dambe in xageeda laga yeesho.

Balse, bartamaha labada dacal ee nolosha waxaa ah rejo. Waana iftiinka qura oo hadda kasoo bidhaamaya gudaheeda. Dadka degaanka ayaa, si kastaba, isku taagaya inay daba-qabtaan dabaadiga haray iyo inay soo nooleeyaan dhaqdhaqaaqii nololeed oo ka jiray magaalada.

Dhismaha Masjidka Jaamaca ee Magaalada wuxuu ahaa tijaabadii ugu horreysay oo dadka degaanku ku guuleysteen iyaga oo kaashanaya maamulka ka jira. Waxaana dhismihii laba qarni ka badan jirsaday hadda lagu beddelay mid cusub oo qarniga 21aad la jaanqaadaya.

Ururrada dhalinyarada iyo wax-garadka ayaa hadda mar labaad u midoobaya inay dhisaan isbitaalka degmada oo gu’yaal dhowr ah aan lagu shaqeynin si baahida caafimaad ee jirta loogu daboolo.

Muuqaalo sannado kahor laga soo qaaday gudihiisa in yar kaddib bixitaanka ciidamadii Itoobiyaanka oo magaalada u yeelay muqaallo il-daran, waxaa la arkayaa xoolo ku dhex dhintay iyo dawooyin iyo agabyada kale ee caafimaadka oo ku dhex baaliyoobay.

Toddobaadyadii dhawaa, si kastaba, waxaa xowli ku socda qorshaha lagu taagayo dibna loogu dayac-tirayo isbitaalka guud ee magaalada kaas oo u taagnaan doona kaalin laf-dhabar ah Ceelbuur iyo duleedyadeeda looga soo raadsado baahi walba oo dhinaca caafimaadka la xiriirta.

Waxaan dib loo arki doonin noloshii shalay mid lamid ah, balse dadaalka ay horboodayaan da’yarta iyo wax-garadka wuxuu beerayaa rejo ah inaanay jirin dhibaato lagu waarayo abid.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -