Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro geestay oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ah ka dhacay laamiga Warshadaha gaar ahaan agagaarka Wasaarada Gaashaandhiga, waxaana qaraxaasi lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo katirsan dowlada.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa lala eegtay gaari nuuciisu ahaa Hilux oo marayay laamiga warshadaha gaar ahaan dhabarka Dambe ee xerada Damaanyo, gaarigan ay la socdeen ciidamo katirsan dowlada ayaa kusii jeeday Wasaarada Gaashaandhiga.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu haleelay gaariga Hilix-ta ee lagu weeraray, mana la sheegin khasaaro kasoo gaaray askartii gaarigaasi la socotay, sidoo kale ma jiraan wax khasaaro ah oo shacabka kasoo gaaray qaraxa.

Qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan soo badanaya, qaraxyadan ayaana inta badan lala eegtaa gaadiidka ay wataan masuuluyiinta , saraakiisha iyo ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka gaarka ah ee NISA oo howlgal uu dhiig ku daatay xalay ka fuliyey Sh/hoose

Caydiid Ali

Burburka Dayax-Gacmeed weyn oo laga digayo inuu ku soo hooban doono dhulka

Cabdi Cade

Muuqaal laga qaaday Weerarkii lagu dilay Hogaamiyaha Daacish oo la baahiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---