Maxaa ka soo kordhay shirka maalintii 2aad u socda Madaxda dowlad goboleedyada?

Shirkii u dhaxeeyay madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaalida ayaa galay maalintii 3aad, iyadoo shirkan diiradda lagu saarayo xal u helida caqabadaha ku horgudban shirka guud ee Afisyooni iyo sidii horay loogu sii socon lahaa dalkana u aadi lahaa doorasho heshiis lagu yahay.

Waxaa kaloo laga dooday shuruudaha horay Puntland iyo Jubbaland ugu xireen shirka Afisiyooni sidii meesha looga saari lahaa, waxayna wararku sheegayaan in Deni iyo madoobe ay mabda ahaan ogolaadeen iney ka qeyb galaan shirkaas DF, waxaana berri ah ay ka doodi doonaan qodobka amniga shirka Afisyooni iyo in laga heshiiyo ajandaha shirka guud.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, xildhibaanada iyo siyaasiyiinta gobolada waqooyi iyo Midowga Musharaxiinta ayaa maanta mar kale ku biiray shirka, waxaana looga looga dhageystay tallooyin iyo arrinta muranka kuraasta doorashada xildhibaannada Somaliland, hirgelinta heshiiskii doorashada 17 September arrimaha amniga doorashada, shakiga la xiriira kulanka Baarlamaanka iyo muddo kordhinta la hadal hayo.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamaca Deberani ayaa isna sheegay in shirka Madaxweyneyaasha Dowladaha xubnaha ka ah DF uu u socda si wanaagsan, isagoo intaas ku daray in Madaxdu ay wadajir xal ugu raadinayaan caqabadaha ku xeeran qabsoomida doorashada.

“Madaxweynayaasha ayaa maanta  la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Ahna Gudd Madasha Badbaado Qaran Mudane Cabdi Xaashi iyo Golaha Siyaasiyiinta Somaliland, Shirka Madaxweynayaasha iyo kulamada ay la qaadanayaan Masuuliyiinta waa kuwo bud-dhig u ah xal u raadinta arrimaha taagan” ayuu intaas ku daray afhayeenka.

Dhinaca kale, Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa caawa  kulan wadajir ah la qaadanaya Madaxweyne Farmaajo, iyagoo la wadaagaya wixii ay isla soo gaareen Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxayna si gaar ah diirada u saaraayaan walaaca la xiriira arrinta muddo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -