Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaanadii laga joojiyay fadhiga Golaha shacabka oo qaatay go’aan halis ah

Xildhibaanadii laga joojiyay ka qeybgalka kulanka Golaha shacabka oo shir jaraaid qabtay ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka uu soo saray guddoomiye Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan.

Xidlhibaannada oo tiro ahaan dhan 15 mudane ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ku eedeeyey inuu dabada ka riixayo inuu barlamaanku galo fowdo iyo khalalaase ay madaxtooyadu soo amartay.

Sidoo kale, Xildhibaanadda ayaa sheegay in ciidamada NISA ee Baarlamaanka la geeyay ay dil ugu hanjabeen xildhibaanada kasoo horjeestay waxay ugu yeereen muddo kordhin sharci darro ah.

Dhinaca kale, xildhibaanadu waxay si cad u sheegeen in ay berrito tegi doonaan xarunta Baarlamaanka isla markaana aysan u joojin doonin go’aanka looga mamnuucay fadhiyada soo soccda.

“Shirka berri waan tagaynaa, warqada dhiiggeena lagu banaystay ee askarta loo dhiibay, wiixii nagasoo gaara waxaa si shakhsiyan ah masuuliyaddeeda u qaadi doona guddoomiye Mursal,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Imaaraadka oo si deg deg ah uga soo jawaabay Codsigii Ra’isul Wasaare Rooble (Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaal 30 askari looga dilay ciidanka Syria oo ka dhacay..

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Gudiga farsamada Golaha Wadatashiga Qaran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---