Macalin ardaydiisa tusay kartoon aflagaado ku ah Nebiga NNKH oo shaqada laga joojiyey

Waxaa shaqada laga joojiyey Macallin ardayda tusay kartoon lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed NNKH kaasoo dhaliyay dibadbaxyo ka dhacay banaanka iskuulka Batley Grammar oo ku yaalla gobolka West Yorkshire ee dalka Britain.

Sawirka ayaa loo adeegsaday cashar ka socday iskuulka, iyadoo Muuqaallo la soo geliyay internetka ay muujinayaan tiro dad ah oo taagan banaanka iskuulka iyadoo qaarkood ay dalbanayeen in macallinka la ceyriyo.

Maamulaha iskuulka Gary Kibble ayaa raaligelin ka bixiyay falkan isagoo intaa ku daray in macallinka shaqada laga joojiyay inta ay socoto baaritaanka.

“Waxaan isla markiiba meesha ka saarnay barista maadadan, waxaana dib u eegaynaa sida aan horay ugu socon lahayn anagoo taageero ka helayna dhammaan jaaliyadaha ku matala dugsigeena,” ayuu yiri.

Afhayeen u hadlay Waaxda Waxbarashada ayaa isna sheegay inaan Marnaba la aqbali karin in la handado ama la cabsi geliyo macallimiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -