Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo iyo Xulufadiisa oo ku sugan Afisiyooni, Deni iyo Axmed Madoobe oo maqan (Sawirro)

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda maamulada taabacsan ayaa hada ku sugan teendhada Afisiyooni ee lagu wado in uu ka furmo shirka looga hadlayo khilaafka doorashada.

Farmaajo , Rooble iyo Madaxda kale ee maamulada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kuwada sugan teendhada Afisiyooni ee loo qorsheeyay in uu ka furmo shirka DF iyo kuwa maamul goboleedyada.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaan wali tagin goobta uu shirka ka furmayo, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ay ka biyo diidan yihiin ka qeyb galka shirkan la filayo in uu maanta furmo.

Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku xalinayaan khilaafka ka taagan furitaanka shirkan iyo sidii ay ugu qanci lahaayeen Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland in ay kasoo qeyb galaan shirka.

Shirka ka furmaya Teendhada Afisiyooni ayaa waxaa dadaal ku bixinaya qabsoomidiisa wakiilada beesha caalamka oo doonaya in Madaxda Soomaalida in ay heshiis ka gaaraan doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Musharaxiinta oo Walaac ka muujiyay Shidaalka Somalia oo lagu iibinayo dalka Turkiga !!

Cabdi Cade

Dood cilmiyeed lagu qabtay Machadka Diblomasiyadda & Tababarada

Caydiid Ali

Khilaaf soo kala dhex galay DP World & ganacsatada Boosaaso oo sababay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---