Khilaaf soo kala dhex galay DP World & ganacsatada Boosaaso oo sababay..

Dekadda Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaan maanta shaqeynin ka dib gadood ay sameeyeen ganacsatada badeecadaha kala soo dega dekedaas sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaaladaas.

Arrintan ayaa timid ka dib markii shirkadda DP-World ee laga leeyahay Imaaraadka oo gacanta ku heysa dekeda ay lacago ku kordhisey badeecadaha ka soo dega dekadda, taasoo ay ganacsatadu ka biyo-diideen.

Qaar kamid ah Ganacsatada ayaa sheegay in aysan aqbaleyn lacagaha dheeriga ah oo ay Shirkadda DP World ku soo rogtay badeecadaha ay kasoo degsanayaan dekadda, isla markaana Shaqa joojin ay ku dhawaaqeen.

Siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka soo jeeda degaannada Puntland ayaa ku eedeeyey DP-World inaysan wax muuqda ka qaban dekeda ay sannadaha badan ay gacanta ku hayso, kaliyana ay mar kasta lacago dheeri ah saaraan ganacsatada badeecadaha kala soo dega.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -