Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka ka dhacaya Afisiyooni iyo Madax goobta gaartay

Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in teendhada Afisiyooni ka furmo shirka looga hadlayo arimaha doorashada iyo khilaafka ka taagan oo dhax maraya Dowlada federaalka iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

Teendhada Afisiyooni waxaa ka socda qaban qaabadii ugu dambeesay ee furitaanka shirkaasi, waxaana amaanka goobta uu shirku ka dhacayo si buuxda ula wareegay ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM.

Goobta uu shirku ka dhacayo ayaa lagu soo waramayaa in ay sii gaareen qaar kamid ah madaxda iyo wafuuda kale ee shirka ka qeyb galeysa, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan si rasmi ah shirka u furmo.

Madaxweyne Farmaajo iyo qaar kamid ah Madaxda maamulada taabacsan ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen teendhada la filayo in uu ka furmayo shirka looga hadlayo arimaha doorashada.

Madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa shaki la galinayaa in ay ka qeyb galaan shirka ka furmo teendhada Afisiyooni , waxaana saacadihii lasoo dhaafay dadaalo waday beesha caalamka ay ku cadaadinayaan Deni iyo Axmed Madoobe.

Beesha Caalamka ayaa garwadeyn ka ah shirkan looga hadlayo arimaha doorashada, waxaana dadka siyaasada falanqeeya aaminsan yihiin in shirkan rajada laga qabo in wax kasoo baxaan aad u yartahay maadaama wali meel adag lakala joogo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibed-baxyo cusub oo dib uga bilowday Kenya & Ruto oo..

Caydiid Ali

War cusub oo ka soo kordhay dad horey loogu xirxiray afgembigii fashilmay ee Turkiga

Caydiid Ali

(Sawirro) Toogasho dad lagu dilay oo ka dhacday Magaalada Toronto ee dalka Canada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---