Kenya oo ku baaqday in Muranka Badda ee kala dhaxeeya Somalia Wadahadal lagu dhameeyo

Dowlada Kenya ayaa isaga baxday dhageysiga dacwada badda ee ka socota Maxkamada caalamiga ee ICJ, waxa ayna Kenya soo saartay qoraal u muuqday mid mar marsiiyo ah ay ku cadeeneysay sababta ay uga baxday dhageysiga dacwada badda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowlada Kenya mar kale dooneyso in kiiska badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya laga soo celiyo Maxkamada caalamiga ee Cadaalada ICJ in laga soo celiyo laguna dhameeyo wadahadal .

Qoraal kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in Kenya dooneyso in dib loo soo celiyo xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya lana xaliyo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.

“Kenya waxay gaadhay go’aanka ah inaysan ka qaybgalin dhegeysiga dacwadaha waxayna ku adkeysaneysaa in khilaafkan laga saaro maxkamadda laguna xalliyo wadahadallo laba geesood ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Kenya kasoo baxay.

Dowlada Kenya oo marar badan ku fashilantay in dacwada badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya lagu dhameeyo wadahadal ayaa mar kale dooneysa in maxkamada laga soo celiyo ayna kawada hadlaan Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya marar badan ka biyo diiday in wadahadal ka gasho dacwada badda ee kala dhaxeeya Kenya ayaa markan ka war dhooreysa go’aanka Maxkamada ICJ kasoo saarto kiiskan maadaama Kenya ka baxday dacwada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -