Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo wada dedaal dalka loogu soo celinayo boqolaal Qaxooti ah

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen ayaa sheegay in boqollaal qaxooti oo Soomaali ah dalkooda hooyo dib loogu soo celin doono dhammaadka bishan Maarso.

Cabdullaahi Xaashi Shuuriye ayaa sheegay inay dedaal badan ugu jiraan sidii dadka Soomaalida ah ay uga badbaadi lahaayeen dhibaatada ka aloosan dalkaasi Yemen.

“Sanad walbo waxaa la soo qaadi jiray kun ilaa lix kun laakiin markii ugu dambeysay aan wadahadalnay waxaa la ii sheegay in bishan March aan ku jirno bartamaheeda la bilaabi doono oo dalka dib loogu soo celin doono dadka Soomaalida ah,” ayuu yiri safiir Cabdullaahi Xaashi.

Yemen ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ka jiray colaad sokeeye oo meelaha qaar dadku ay wajahaan xaalado culus, iyadoo dadka halkaas qaxootiga ku ahna ay xaaladdahaas adag usii nugul yihiin.

Todobaadkii hore tobannaan qof ayaa ku dhintay xero lagu hayay dad muhaajiriin ah oo ay Soomaali ku jirtay, kadib markii ay isku dhaceen ciidamadii gacanta ku hayey ee Xuutiyiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo dalab ka kooban labo qodob hordhigtay wadamada Nordic (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo si kulul uga hadashay qaraxii maanta, baaqna u dirtay shacabka

Caydiid Ali

DFS oo loo ballan-qaaday in laga taageerayo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---