Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye & Ku-xigeen cusub oo loo Magacaabay Magaalada Boosaaso

WAREEGTO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.12 ku magacaabay  Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero dile) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boosaaso.
  2. Waxaa Axmed Nuur Huruuse si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Boosaaso.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shacab iska wareejiyay Dhagxaan lagu xiray Wadooyin kuyaala Muqdisho (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Salka Xaqiijinta Dimuquraadiyadda dalka waa Doorasho Dadweyne !!

Cabdi Cade

Ilhaan Cumar oo xil sare looga magacaabay Aqalka Wakiiladda Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---