Allbanaadir.com
NEWS

Shiikh Tamiim Bin Xamad oo ka hadlay geerida Madaxweynihii hore ee Somalia

Amiirka Dalka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad ayaa uga tacsiyeey Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya.

Bayaan ka soo baxay xafiisaka Amiirka Qatar ayaa lagu sheegay in Amiirka Qatar uu murugada la qeybsanayo qoyskii uu ka baxay marxumka iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo.

Waxaa dhambaal tacsi ah u soo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo amiir ku-xigeenka dalka Qatar Sheekh Cabdullaahi bin Xamad.

Sidoo kale,  Ra’iisal Wasaaraha Qatar, Mudane Sheekh Khaalid bin Khaliifa ayaa uga tacsiyeeyay  dhiggiisa Soomaaliya mudane Maxamed Xusen Rooble geerida naxdinta leh ee ku timid Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan xasaasi ah oo looga hadlayay dagaalka Al Shabaab oo ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo si aan Caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Berbera (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Antony Blinken oo Tel aviv gaaray, kulana la leh Raisul Wasaaraha Yuhuuda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---