Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo lagu amray in shacabka ka saaraan xaafada Xero Kalluun

Warqad kasoo baxday guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale , ayaa lagu faray ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir iyo kuwa nabadsugida in dadka degan ka saaraan xaafada xero Kalluun ee ku dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Xaafadan dadka laga saarayo ayaa waxaa iska leh wasaasaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda, waxaana guryahan degan dad shacab ah oo sannado badan halkaasi kunoolaa, kuwaa oo lagu amray in hadda deg deg uga baxaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhulka xero Kalluun ee leedahay wasaaradda Kalluumeysiga in la iibinayo, waxaana horey dadka degan dhulkan ugu baaqay in ay isaga guuraan wasaaradda Kalluumeysiga oo sheegtay in iyadu u baahan tahay dhulkan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey dad shaab ah oo deganaa dhul dowladda leedahay xoog uga saartay, dhulka dowladda ayaana la sheegay in badankood ay iibsaneyso dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dhulalkaasi la wareegaya ganacsato jeebka u buuxo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo Weerar Afka ah ku qaaday dadka ka hadlaya Xirnaashaha Wadooyinka Muqdisho

Cabdi Cade

Ciidamo gadoodsan oo xirtay wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay labo arrina kala hadlay Madaxweyne David Malpass

Cabdi Cade
Taboola Ads ---