Villa Somalia oo War kulul ka soo saartay weerarkii Al-Shabaab ka fulisay Kenya (Akhriso)

Madaxtooyada Somalia ayaa War kulul ka soo saartay weerarkii saaka xoogag taabacsan Al-shabaab ku qaadeen saldhig ku yaalla dalka Kenya oo ay wada degenaayeen ciidamo Maraykan ah iyo kuwa Kenya.

“Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya waxay dhalleeceyneysaa weerarka fulaynimada ah ee lala beegsaday ciidamada isku dhafka ah ee Kenya iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay garoonka Manda Bay Airfield oo ku yaalla gobolka lamu ee dalka Kenya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia caawa fiidnimadii.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkan uusan waxba u dhimi doonin iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaalamayo Al-shabaab iyo kooxaha la midka ah.

“Weerarkan fashilmay ayaan carqalad ku noqon doonin dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo kuwa ka soo horjeeda nabadda iyo xasilloonida gobolka” ayaa lagu qoraalka lagu yiri.

Vila Somalia ayaa ku amaantay ciidamada Kenya iyo iyo kuwa Maraykanka sida ay iskaga caabiyeen weerarkan.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale ku amaaneysaa Ciidamada Difaaca Kenya iyo Taliska Mareykanka inay si deg deg ah isaga caabiyeen weerarka, sidaasna ay guuldarro culus u gaarsiiyeen Argagixisada Al-shabaab, Sidaas darteed, Dowladda Federaalka waxay xaqiijineysaa taageero buuxda oo ku aaddan dadaallada socda ee lagu ciribtirayo argaggixisada waxaana sii wadi doona wada shaqeynta aan la leenahay saaxiibadayada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo helo nabad iyo barwaaqo” ayaa lagu soo gebagebeeyey War-saxaafadeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -