Marwada Koowaad ee dalka oo fariin muhiim ah u dirtay haweenka Soomaaliyed

Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim oo Haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay maalinta Caalamiga ah ee 8-da  Maarso ayaa tilmaamtay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo doorka Haweenku ay ku leeyihiin siyaasadda iyo hoggaaminta arrimaha bulshada, maadaama ay ku tilmaaman yihiin hufnaan iyo dhabar adeyga.

Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa la wadaagtay haweenka Soomaaliyeed farriin ku saabsan xoojinta doorka ay ku leeyihiin dib u dhiska dowladnimada, adkeynta midnimada, dib u heshiisiinta iyo horumarka caafimaadka iyo dhaqaalaha ee xanuunka safmar ee COVID19, waxa ayna ku bogaadisay dadaalkooda joogtada ah iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta dalka.

“Waxaan Haweenka Soomaaliyeed ee qiimaha badan la wadaagaya hambalyada Maalintan qiimaha badan ee u gaarka ah haweenka adduunka. Sanadkan waxaan dhiirigelinayaa ka qaybgalka doorka haweenka ee ka hortagga cudurkan COVID19. Haweenku waa adalka iyo saldhigga bulshada waxaana dareensanahay in ay door laxaad leh ka qaadan karaan haweenku la dagaalanka cudurkan saf marka ah, aan dedaalkeena u badan ku bixino sidii aan ula dagaalami lahayn   Cudurkan. Waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu inaga galaaftay. Ugu danbayn waxaan rabaa in aan idin la wadaago sida ay iiga go’an tahay hirgelinta qorsheyaasha lagu horumarinayo doorka haweenka ee dowlad-dhiska, siyaasadda, dhaqaalaha iyo caafimaadka”.

Marwada Koowaad ee dalka ayaa ku dhiirrigelisay haweenka dhakhaatiirta ah sii ambaqaadidda shaqada wadaniga ah ee ay u hayan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo Alle u weydiisay Jannatul firdowsa dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee u geeriyooday Cudurka COVID19 iyo Hooyooyinkii ay argagixisada Alshabaab u beegsadeen u shaqeynta qarankooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -