Allbanaadir.com
NEWS

Sawir laga sameeyay Qasim Suleymani oo Sababtay in la baajiyo Ciyaar kubadda cagta ah

Ciyaar kubadda cagta ah oo dhexmari lahayd labo koox oo ka kala dhisan Sacuudiga iyo Iran kana tirsan tartanka Champions League ee qaaradda Asia ayaa la joojiyay, ka dib markii albaabka garoonka laga soo galo la dhigay taallo lagu sawiray Jeneraalkii Maraykanka dilay ee Qasim Suleymani ee hogaamin jiray ciidamada Jamhuuriga Iran.

Sawirrada lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya taalada Suleymani oo la dhigay albaabka garoonka kubbadda cagta, goobta ay soo marayaan ciyaartoydka markii ay kasoo baxaan qolka labiska oo ay soo galayaan garoonka.

Ciyaartii Isniintii shalay la qorsheenayey inay dhexmarto kooxda Al Itixaad ee Sucuudiga iyo Sepahan ee Iran ayaa dib loo dhigay ka dib markii ay kooxda Sucuudigu diideen in ay ka baxaan qolka labiska ee garoonka Naghsh-e Jahan Stadium ee magaalada Isfahan ee dalka Iran.

Suleymani oo taliye u ahaa qaybta hawlgallada shisheeye ee Ciidamada Jamhuuriga Kacaanka Iran, ciidankeeda gaarka ah ee Qudus – ayaa door weyn ka ciyaaray hagida hawlgalada Iran ee Bariga Dhexe dhowr iyo toban sano ka hor inta aan lagu dilin magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, duqayn cirka ah oo uu fuliyey Mareykanka bishii Janaayo ee sannadkii 2020.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kim Jong Un oo isaga oo Faras saaran fuulay buurta dheer ee Paektu (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Magaalo ay ka baxeen ciidanka Ruushka oo lagu arkay Meydad daadsan jidadka (Sawirro)

Caydiid Ali

Dhul-gariir Khasaare xoogan geystay oo ku dhuftay Jasiirada Sulawesi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---