Allbanaadir.com
NEWS

Mo Farah oo Shaaciyay in uu iska bedelayo Magaca uu caanka ku noqday

Orodyahanka caanka ah ee asalkiisu Soomaaliga yahay balse heesta dhalashada dalka Britain Mo Farah, ayaa shaaca ka qaaday in uu doonayo in uu iska bedelo magaca caanka uu ku noqday ee Mo.

Waxa uu sheegay Orodyahanka in uu doonayo hada kadib in loogu yeero magaciisa oo dhameestiran ee Maxamed , waxa uuna cadeeyay in ay dhamaatay waqtigii loogu yeeri jiray magaca Mo hada kadiba loogu yeeri doono Maxamed.

“Magacayga mustaqbalka waa Maxamed, waxa aan dareemayaa in imika Mo ay dhamaatay ,waxa aan doonayaa in aan hilmamo hamigii aan gaaray iyo wixii aan sameeyay” ayuu yiri Orodyahanka Maxamned Farax.

Go’aankan uu magaca caanka uu ku noqday uga guurayo Mo Farah ayaa hadal heyn badan ka dhalisay baraha bulshada , waxaana dadka qaar soo dhaweeyeen go’aankiisa halka dadka qaarna tilmaameen in ay wax u dhimeyso caanimadiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda sare ee dalka oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Ciidul fitriga

Caydiid Ali

(Akhriso) Garsoore loo heysto dembiyo culus oo la soo taagay Maxkamada G/Banaadir

Caydiid Ali

Villa Soomaaliya oo fashilisay talaabo uu qaaday Ra’isul Wasaare Rooble iyo Cadaadis…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---