Allbanaadir.com
NEWS

Hooyooyin careysan oo xirtay albaabka laga galo Villa Soomaaliya

Ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed ,ayaa saakay bannaanbax ka dhigay afaafka hore ee guriga hooyooyinka ee kasoo horjeeda Tayaatarka Qaranka, waxa ayna hooyooyinkan kasoo horjeedeen qorshe dowladda gurigaasi ku wareejineyso.

Guriga hooyooyinka waxaa degan ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed iyo hay’addo kale oo dowladeed, waxaana qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya lagu amray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Haweenka iyo Qoyska in uu la wareego gurigaasi kana saaro dadka degan.

Haween badan oo katirsan ururka Haweenka Qaranka, ayaana saakay dibadbax ka dhigay afaafka hore ee guriga hooyooyinka, waxa ayna haweenkan xirteen waddada laga galo xarunta Madxatooyada Soomaaliya, iyaga oo dareenkooda iyo caradooda ku muujinayay halkaasi.

Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Bauttulo Gaballe oo warbaahinta la hadashay ayaa si adag uga hortimid qorshaha lagula wareegayo guriga hooyooyinka, waxa ayna si kulul u cambaareysay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse ay ku tilmaanta kuwa dhul boob usoo dhigtay.

Batuulo waxa ay sheegtay in aysan marnaba oggolaan doonin in guriga hooyooyinka lagu wareejiyo Bahiir Goobe, waxa ayna sheegeen in ay diyaar u yihiin in dhiigooda u huraan una dhintaan sidii looga hortagi lahaa in lala wareego guriga hooyooyinka Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayey ku tilmaantay Bauutlo Gaballe , in uu yahay musiibo umadda Soomaaliyeed lagu soo dhax tuuray, waxa ayna sheegtay  in aysan marnaba aqbali doonin qorshaha boobka ay wadaan isaga iyo Madaxweynaha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Abiy oo maalmo badan kadib fagaare kasoo muuqday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Nin la dhashay Madaxweyne Mustafe Cagjar oo caawa toorey lagu dhaawacay

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---