Madaxweyne Siciid Deni oo furay Shirka Jiheynta Xukuumadda Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa furay shirka jiheynta xukuumadda oo muddo saddex cisho ah socon doona.

Shirka jiheynta Xukuumadda waxaa lagu soo bandhigaya qorshaha shaqo ee Xukuumadda horyaalla oo lagu jaangooyey siyaasiyadda madaxweynaha ee difaac iyo dimuqraadiyad, sida ay u wada shaqeynayaan hay’adaha Puntland iyo horumarinta wadashaqeynta Beesha Caalamka.

Wasiiradda maamulka Puntland ayaana inta uu socdo shirka waxa ay kusoo bandhigi doonaan waxyaabaha u qorsheysan in ay qabtaan iyo sida ugu muhiimsan ee looga mira-dhalinkaro hiigsiga xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay furitaanka shirkan ayaana sheegay in Puntland diyaar u tahay horumarinta maamulkeeda iyo deegaannada ay ka taliyaan, waxa uuna sheegay in xukuumadda horyaalaan shaqooyin badan oo u baahan wax qabad dhab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -