Allbanaadir.com
NEWS

Dabley ka tirsan Al-Shabaab oo rag dhalinyaro ah dil ugu geystay Hiiraan

Al-Shabaab ay xalay labo wiil oo dhalinyaro ah ku dilay deegaanka Tayeeg ee gobolka Hiiraan sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya halkaas.

Tayeeg ayaa dhaca inta u dhaxeysa degmooyinka Halgan iyo Garasiyaani ee gobolka Hiiraan.

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa jidka u galay labada wiil oo watay Mooto la sheegay inay kaga shaqeysan jireen degaanadaasi, iyagoo ka dibna toogtay.

Magacyada wiilasha ayaa lagu kala sheegay Ciise Cabdi Xuseen iyo Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed, waxayna ka soo jeedeen degmada Halgan.

Ma cadda sababta ka dambeysa dilka labada wiil ee dhalinyarada ah iyo waxa kooxdu ku qoonsatay, maamulka gobolka Hiiraan ayaan sidoo kale ka hadlin dilkan.

Related posts

Puntland oo shaacisay qaabkii ay Puntland kusoo galeen ajaaniibta Daacish

Cabdi Cade

RW Khayre oo caawa la afuray dhallinyaro Soomaaliyed oo dowladu ka soo celisay Liibiya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Rooble oo arrimo ay ku jiraan Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ah kala hadlay Tiina Intelmann (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---