Dowlada oo loogu baaqay in Xayiraad kusoo rogto dalka iyo Sababta oo la shaaciyay

Waxaa magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka kusii faafaya cudurka safmarka ah ee Covid-19, waxaana maalinbo maalinta ka dambeesa sii kordhaya dadka uu cudurkan ku dhacayo iyo waliba kuwa u dhimanaya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda xil-garsiinta Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in cudurka Covid-19 si xowli ah dalka ugu sii faafayo, waxa ayna xustay in loo baahan yahay in la qaado talaabooyin badan si looga hortago faafida cudurkan.

Fowsiya Abiikar ayaa soo jeedisay in dalka xayiraad lagu soo rogo si looga hortago faafitaanka cudurkan, waxa ayna xustay in xayiraadihii sanadkii hore lasoo rogay ay yareesay faafiutaanka cudurkan.

”Xakameynta faafitaanka cudurka Caronavirus sanadkii tagay waxaa qeyb weyn ka qaatay xayiraado lagu soo rogay guud ahaan dalka , mar kale waxaan soo jeedinay in xayiraad lasoo rogo si looga hortago faafida heerkeedu sii kordhayo ee hada aan arkeyno” ayey ku tiri Wasiir Fowsiya qoraal ay soo dhigtay Barteeda Twitterka.

Lama oga sida ay u aqbali doonaan Madaxda ugu sareysa dowlada federaalka Soomaaliya soo jeedintan ku aadan in dalka lagu soo rogo xayiraado adag si looga hortago in cudurka kusii faafo dalka.

Cudurka Covid-19 ayaana hada si ka badan sida sanadkii hore dalka ugu sii faafaya, waxaana sii kordhaya dadka cudurkan ugu dhimanaya isbitaalada iyo xaafadaha dhaxdooda kuwaa oo intooda badan waayay Oksijiinka neefsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -