Mareykanka oo ku baaqay in Ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada laga saaro Tigrey

Dowlada Mareykanka ayaa si adag uga hadashay tacadiyo la sheegay in ciidamada federaalka Itoobiya, kuwa kasoo jeeda Eritrea iyo ciidamo kale ka wadaan gobolka colaada ka aloosan tahay ee Tigrey.

Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken , ayaa qoraal uu soo saaray ku cambaareeyay tacadiyada ka socda gobolka Tigrey, waxa uuna ugu baaqay dowlada Itoobiya in ay qaado talaabooyin lagu soo afjarayo colaada.

“Waxaan si weyn u cambaareyneynaa dilalka, barakacinta, xadgudubyada galmada iyo tacaddiya kale ee ay dhinacyada geysanayaan isla markaana ay ka warrameen dhowr hay’adood,” ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka uu soo saaray Antony Blinken.

Warka uu soo saaray Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka ayaa loogu baaqay in si deg deg ah gobolka Tigrey looga saaro Ciidamada ka socda dalka Eritrea iyo ciidamada kale ee kasoo jeeda Ismaamulka Amxaarada.

“In si degdeg ah ciidamada Eritrea iyo kuwa gobolka Amxaarada looga saaro Tigray ayaa ah tallaabada koobaad ee muhiimka ah. Waa inay xigto xabbad-joojin ay dhaqangelinayaan dhammaan dhinacyada iyo in gargaarka si shuruud la’aan ah loo gaarsiiyo shacabka Tigray,” ayuu yiri warka kasoo baxay dowlada Maraykanka.

Hay’addaha Caalamka gaar ahaan kuwa xaquuqda aadanaha ayaa tabiyay in Gobolka Tigrey ka dhaceen tacadiyo badan oo loo geestay haweenka iyo sidoo kale dadka kunool magaalooyin kuyaala dalkaasi oo xasuuq iyo isir sifeyn lagula kacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -