Dowlada Soomaaliya oo Cambaareesay Weerar Gantaal oo lagu qaaday dal Carbeed

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareesay weerar gantaalo loo adeegsaday oo kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen jooga ku qaadeen magaalooyin kuyaala Boqortooyada Sacuudiga.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Gantaalada Balaastika iyo sidoo kale diyaarado Drone ah oo lagu xiray waxyaabaha qarxa u adeegsaday weerarka ay ku qaadeen magaalada Riyaadh iyo magaalooyin kale.

Wasaarada arimaha Dibadad Dowlada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku cambaareesay weerarka lagu qaaday Sacuudiga, waxa ayna weerarkaasi ku tilmaantay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah.

Qoraalka kasoo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay garab taagan yihiin Sacuudiga kuna taageerayaan talaabooyinka ay Sacuudiga u qaadeyso difaaca ciideeda.

“Soomaaliya waxa ay u aragtaa weerarkaasi mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga iyo kan bani’aadamnimada iyo dambi argagixiso oo lagu beegsanayay goobo dad rayid ah ay degan yihiin iyo carqalad ka dhan ah dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan cambaareesay weeraro kooxda Xuutiyiinta ku qaadeen Boqortooyada Sacuudiga, waxa ayna Dowlada Soomaaliya ka gaabsataa kana hadlin weerarada Sacuudiga iyo xulufadooda ka fuliyaan gudaha Yemen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -