Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweynihii 3aad ee dowlad goboleedyada oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa caawa maqribkii soo gaaray magaalada Muqdisho.

Qoor-qoor ayaa qeyb-galaya shirka Madaxda dowlada Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee looga Hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iskugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada shir ka dhacaya Muqdisho oo mudnaanta lagu siinayo dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febraayo sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Shirka oo lagu waday inuu furmo shalay ayaan qabsoomin sababo la xiriira madaxda dowlad goboleedyada oo aan soo gaarin Muqdisho, iyadoo Laftagareen uu noqonayo madaxweynihii 3aad DG ee soo gaara Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Lix ka mid ah dalalka Afrika oo weli aan laga helin cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

William Ruto oo Dadaal ugu jira sidii Xisbigiisa ula wareegi lahaayeen Guddoonka labada Aqal

Cabdi Cade

Mahad Salaad oo Taliye cusub u magacaabay ciidamada Nabad Sugida Gobolka Gedo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---