Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Xassan Shiikh? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa galabta hoygiisa Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Dalka Xassan Sheikh Mohamud oo sidoo kale ka tirsan midowga musharaxiinta.

Inkastoo aan faahfaahin laga bixin kulanka labada masuul, haddana warar ku dhow dhow ayaa sheegaya iney ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyey ee Somalia gaar ahaan arrimaha doorashada iyo xiisadaha ka taagan caasimada.

Cali Guudlaawe ayaa ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ee sida weyn u taabacsan Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Muqdisho u jooga ka qeyb galka shirka uu Madaxweyne Farmaajo iskugu yeeray Madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir kaasoo looga hadlayo dhameystirka heshiiskii doorashada iyo xalinta caqabadaha jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Isbedelada ka dhacaya dunidda iyo saameynta Soomaaliya ku leeyihiin

Cabdi Cade

Mid ka mid ah beelaha Gobolada dhexe oo ka cabaneysa hanaanka awood-qeybsiga dalka

Caydiid Ali

Gantaal khasaare geystay oo ku dhacay bartamaha Tel aviv

Caydiid Ali
Taboola Ads ---