Taalibaan oo gacanta ku dhigtay dad loo heesto Qaraxyadii ka dhacay Garoonka Kabul

Kooxda Taalibaan ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigeen dad lala xiriirinayo qaraxyadii khasaaraha badnaa dhaliyay ee shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul.
 
Afhayeenka Taalibaan, Zabihullaahi Mujaahid oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay xireen dhowr qof oo lala xiriiriinayo Qaraxyadii shalay lala eegtay meel ku dhow Garoonka Diyaaradaha Hamid Karazai .
Waxa uu xusay afhayeenka in dhoor qof u xireen qaraxyadii shalay ruxay magaalada Kabul, waxa uuna ka gaabsaday in uu shaaciyo tiradad dadka ay u xireen qaraxyadaasi iyo waliba cida ay katirsan yihiin kooxdaasi.
Qaraxyadii shalay ka dhacay albaabka laga galo garoonka diyaaradaha magaalada Kabul waxaa ku dhintay dad ku dhaw 100-qof oo shacab reer Afganistan ah, waxaa sidoo kale qaraxyada ku dhintay 13-askari oo Mareykan ah.
 
Kooxda Daacish ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadii dhiiga badan ku daateen ee ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Kabul, waxa ayna kooxdan oo kasoo horjeeda Taalibaan ku hanjabeen weeraro kale oo ka dhan ah Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -