Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geestay dalka Koonfur Afrika

Kooxo burcad hubeesan ayaa dil iyo dhaawac ugu geestay deegaano hoostaga magaalooyinka Est London iyo Johannesburg labo muwaadin oo Soomaaliyeed oo goobo ganacsi halkaa ku lahaa.

Sida aan wararka ku helnay kooxo burcad ah ayaa deegaan hoos taga magaalada Est London ku dilay ganacsi caan ka ahaa halkaasi oo lagu magacaabi jiray Daahir Carte, burcada ayaana la sheegay in dilka kadib goobta ka baxsadeen.

Ciidamo katirsan booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta lagu dilay muwaadinkan Soomaaliyeed, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in ay wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan burcadii dilka fulisay.

Dhinaca kale kooxo burcad ah ayaa deegaan hoostaga magaalada Johannesburg ee gobolka Gauteg ku dhaawacay muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Cumar Axmed Dhiblaawe.

Dalka koonfur Afrika ayaa si joogto ah waxaa loogu dilaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkaasi u tagay in nolol iyo ganacsi ka sameestaan, mana jiro tilaabo muuqato oo dowlada Koonfur Afrika ka qaado burcada beegsata Muwaadiniinta soomaaliyeed.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad ay Soomaali ku jiraan oo Dib u beeraya Kaymihii ku gubtay dalka Turkiga

Cabdi Cade

Donald Trump oo Shaaciyay in Talaadada la xirayo kana hadlay Sababta loo xirayo

Cabdi Cade

Akhriso Nuqulka habraaca wax ka bedelka Dastuurka ee maanta la ansixiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---